Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aan la joogin waqtigii arrimo siyaasadeed loogu dagaalamayo, isagoona ugu baaqay dadka isku haaya doorashada Koonfur Galbeed inay khilaafkooda ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si aan dhibaato kale u dhicin.
Leave a Reply