Taariikhda lama tuuro mid dabiiciya iyo mid qofeed kay tahayba,bal eeg waxaa dhaca abaaro,daadad,dhulgariir iyo wax la mid ah layskama iloobo ee dhacdooyinkaas wax baa laga bartaa oo laga kaydiyaa lana raadiyaa sidii haday beri soo noqdaan looga badbaadi lahaa,sidoo kale mid qofeed baa jira sida mid mu,alif ah oo dunida wax ku soo kordhiyey hoggaamiye fiican , mid xun,dagaal ooge,sama ka talis iwm.
Qormadaan waxa igu kalifay waa dhiilada ka dhacday Baydhabo caasimada ku meelgaaraka ah ee DGKG,dabka la shidaayo ee Gobolka Gedo,dagaalkii jufa hoosaadka ee Cadale,cabdsida laga qabo Galmudug oo dagaalkii Al shabaab laga yaabo in uu isu rogo mid beeleed iyo kaydkii hubkii dawlada oo gacanta u galay beelo,waxaa ayadana ii muuqatay xiriirka dawlad gobaleedyada iyo waxa loogu yeero DFS Meesha uu maraayo,markaas baan is weydiiyey su,aasha aan ciwaanka ama madaxa uga dhigay maqaalkaan,jawaabtu waa dhextaal aniguse aan tayda u dhaadhaco;-
1-Haddii nabadii Soomaaliya ninkii laga ilaalin lahaa ilaali la yiri xaajadu ma (TUUGAA KABAHAAGA LOO DHIIBTAABA)maya amniga qaranku halkaas ma galo kumana qanci karno.
2-Al shabaab baa lala dirirayaa hubkii dawladana beelo ba gacanta loo gelinayaa ma isqabataa?waa maya.
3-MW Xassan Sh.Maxamuud todoba bilood wuxuu galay 26 safar oo uu tegey dalal dana kala duwan ka leh Soomaaliya ayaguna aan israbin oo colaadi dhextaal mid walbana wuxuu la soo saxiixday heshiis amni iyo mid mileteri,ma suurtagalbaa? Maya waa (JIIR IYO BISAD BAAN QOL WADA DEJINAYAA).Maahmaahdaan eeg (NINKII ISKU DAYA IN UU CID KASTA RAALIGELIYO CIDNA MA RAAGELIYO).
4-Dalka Soomaaliya oo loo dawarsanaayo iyo abaarta ka jirta ma ka go,day dhaqaalaha ku baxay intaas oo safar oo ku dhaw bishiiba afar jeer?
5-Dawlad Goboleedka Koofurgalbeed amniga deegaanadeed ayyada baa masuul ka ah koox kasta oo nidaamka dawligaa ka baxsan oo hubeysan ee xoog wax ku raadisa jawaabteedu waa xabad kamana duwana Al shabaabka lala dagaalamayo iyo Al sunihii Galmudug,waxaa la yaab ah in DF ay tiraahdo kooxaha isku haya Baydhabo xaalkooda wada hadal ha ku dhameysteen intii ay ka qayb qaadan lahayd ilaalinta amniga dawlad goboleedkana ku bogaadin lahayd in uu amniga sugay oo wax qabtay.
6-Waxaan dhegeystay nin la Yiraahdo Jamaal Saareey oo NISA Gedo u magacawday, ma xuma marka hore waxaa la rabay in uu ka dego Garbahaarey ma dhicin oo wuxuu gobolkii ka caga dhigtay Dooloow oo jufa hoosaadkiisu degto wuxuu qabtay shir dad aan badnayn oo toban aan ku qiyaasay buu la shiray ayaga waxba ma weydiin wuxuuna yiri (WAAN OGAHAY WAX BADAN BAAD SHEEGI LAHAYDEEN LAAKEEN WAXII AAD SHEEGI LAHAYDEEN ANIGAA IDIIN DHAHAAYA, HADALKIISA FARTIINTA UU XAMBAARSANAA WAXA NOQOTAY IN UU YAHAY GUDOOMIYAHA GUUD EE NABADGELYADA GOBOLKA OO DHAN).
Anigu dawladnimada waxaan un aqaan in Gudoomiyaha gobolku yahay gudoomiyaha amniga gobolka, gudoomiyaha degmaduna yahay gudoomiyaha amniga degmada, taliyayaasha ciidamada sida xooga, booliska nabadsugida iyo asluubtuna yihiin xubno, xataa ku xigeeno ma’aha waayo gudoomiyayaasho waxay leeyihiin ku xigeeno, ayagaaba markii gudoomiyuhu maqan yahay ah ku sima gudigana ka mid ah (GOORMAA NABIGII CIISE LOO ROGAY)?halkaan hoose ka dhegeyso Jamaal saareey oo aan dawladnimada waxba ka aqoon cadaw reer Gedo ama jaahil kale wax u soo dhiibay.
Ugu danbayn dadka reer Koofurgalbeed iyo reer Gedo ha garteen in duulaan lagu yahay danahooda iyo dhulkooda marka horana loo abaabulay in ayyaga laysku jabiyo,markii awoodooda Meesha laga saarana layska maamulan doono.si guud iyo si gaaraba ka tashada aayya xumida caruurtiina danbe lala rabo.
Wabilaahi Towfiiq,Dhiblaawe
.
Leave a Reply