Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa Xaflad Soo dhaweyn ah Muqdisho ugu Sameeyey Ilhaan Cumar

ilhaan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo muqdisho soo gaartay.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka , Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.