Waxaa laga joogaa saddex maalmood markii aan qoray maqaalkii madaxiisu ahaa Soomaalinimadii ma tirtirantay, in kasta oo xaalku weli cakiran yahay oo dhiiga reer Laascaanood uusan maalina joogsan ee qubanaayo mudo toban maalmood ah, haddana waa ka niyad fiicanahay intii hore oo waxaan leeyahay weli waxbaa noo nool.
Aamusnaantii iga keentay canaanta waa laga baxay waxaan codkooda maqlay shucuubta shanta Soomaaliyeed ee ka falceliyey, waxa ka socda Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood maanta Soomaaliga danqaday ee runtaa iyo cadawga gudaha ee ka xun kan dibada waa kala baranay, waxaanse ku faraxsanahay in 99% shanta Soomaaliyeed ka danqadeen waxa ka dhacay Laascaanood.
Haddii aan kala qaado dadka Soomaaliyeed inta badan waxay uga jawaabeen si qiira wadaniyadeed leh oo u qalanta Calanka buluuga ah oo Reer laascaanood kor u hayeen 33 sano, qolana waa qabyaaladeeyeen oo caadifad baa ka muuqatay, tira yar oo aan qolo ahayn ee kooxda Muuse haandaraab ku daaban oo waxa ka socda raali ka ahna waa soo baxaan ee ka hadlay Muqdisho iyo Hargeysa.
Waxa aan ka hadlaayo nin walba arag oo meediyaha bay ku jiraan, lama yaabin kuwa SNM ee muuse saaxibadiisa, waxaase la yaab leh kuwa golayaasha qaranka Ummadda Soomaaliyeed u Fadhiya ee ku hadlaayey oo sida qaawan ee aan qarsoonayn uu muujiyey in ay raali ka yihiin dhiiga qubanaaya ee Reer Laascaanood iyo kala goynta Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo aan qiil lahayn kuwa qabyaaladeeyey oo yaa reer hebalehee ayyaguna ku hadaaqaayey, reer Puntlaandhi waxa ku filan shacbiga puntlaandhi waan difaacaynaa iyo midnimada qaranka, dadka inta badan oo Qiirada wadaniyada uga jawaabay la jaanqaada, waxaan saas u leeyahay in aan loo fasirin in laas caano qolada muuse Haandaraab ku soo duushay, waayo siyaasiyiin, culumo, waxgarad iyo oday dhaqameedyo ku hayba Muuse baa si cad u sheegay in ayyan raali ka ahayn waxa ka socda Laascaanood uguna baaqay in uu ciidammada ka soo saaro Gobolka Sool, sidoo kalana uga digay in ayyan Beesha Dhexe dagaalkaas ka qayb qaadan, oo ay hiil iyo hooba la garab isgtaagaan walaalahooda reer Laascaanood. MACAL CUNE MUUQAN DOONEE) dadku in ay walaala yihiin qaranimada iyo Soomaalinimaduna ka dhaxayso ha loo daayo.
Wa bilaahi towfiiq.W/Q Cabdulaahi faraax Jimcaale
Leave a Reply