Guddoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wefdi ballaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Leftigareen iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalado Baydhabo ku soo dhaweeyay wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Safarka guddoomiyaha ee magaalado Baydhabo ayaa ku qotoma shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu horray ugu baaqay Guddoomiyaha kaas oo lagu wado inuu ka furmo Baydhabo.
Leave a Reply