Dowladda Soomaliya ayaa ku dhawaaqday in Khawaarihtu ay ka xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo lacagaha loogu shubi jiray, ka dib xog dhammeystiran oo hay’adaha arrimahan quseeyo ay u soo gudbiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagga oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladda dadaal badan ay gelisay sidii dabalgal loogu sameyn lahaa marinada dhaqaalaha baadda ee argagixisada qaataan.
Leave a Reply