Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.
Waxaa Madaxweynahu uu dalka Jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Saddex maalmood ah kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.
Leave a Reply