Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo saakay lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ku lahaayeen degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Gobolka Hiiraan,qof watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday Saldhiga Degmada Halgan.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxa ka dhashay, iyadoo waxyeelada ugu badan ay gaartay ciidamada Huwanta ah ee la beegsaday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 3 ruux, halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.
Leave a Reply