Daawo:Madaxwayne Xasan oo Ka hadlay waxa Laga yeelo Soomalida Masiixiga ah iyo Kuwa shiicada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Dhanka Kale Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay Sababta ugu wayn ee loo dhisaayo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed inay tahay sidii looga hortagi lahaa dadka Soomaalida ah ee haysta Diinta Masiixiga iyo kuwa Shiicada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.