Tiro Hoobiyaal ah ayaa kusoo dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, Juga Hoobiyaalshaan ayaa laga maqalay Qaybo kamida Magaalda Muqdisho.
Dhawr madfac ayaa lagu garaacay sida wararku sheegayaan Xaafado ka mid ah Muqdisho, waxaana si gaar ah ay ugu dhaceen qaybo ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya.
khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda lama shaacin, sidoo kale wax war ah kama soo bxiin laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeysay oo madaafiici lagu rido Madaxtooyada balse tiro dhawr jeer ah ayaa sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay Villa Soomalia.
Leave a Reply