
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Koonfur Galbeed
Shirka ayaa looga hadlay Dardargelinta Wajiga Labaad ee Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed iyo amniga guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed,waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Gudiga Farsamada Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa halkasi dhawaan kaga qeyb galay wajiga koowaad ee shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS
Leave a Reply