Boqolaal Soomaali ah ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska iyo wadamo kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey furitaanka safaaradda Soomaaliya ee magaalada London.
Xafladdaan oo xarigga looga jaray safaaradda,waxaa ka hadlay Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Ingiriiska C/qaadir Axmed Kheyr iyo qaybaha bulshada ee Magaalada London
Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen dad can ah oo uu kamid ahaa Moow faarax, Sabriina alba iyo xubno kale,waxaa halkaasi mahadcelin loogu jeediyay guddigii dadaalka u galay daahfurka safaadda Soomaalida.
Leave a Reply