Daawo:Madaxweynaha Galmudug ayaa xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada balanbal

balanbal

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada, Maamulka Degmada iyo guddiga dhismaha garoonka Diyaaradaha degmada balanbal ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha garoonka diyaaradaha oo wajigiisa koobad soo dhamaaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo bogaadiyay maalgelinta iyo dhismaha Garoonka diyaaradaha degmada balanbal isagoon sheegay in Dowladda Galmudug ay qeyb ka qaadan doonyo dhismaha iyo dhameystirka Garoonka Diyaaradaha balanbal.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa bulshada degmada balanbal kula dardaarmay in lala shaqeeyo maamulka Cusub ee Degmada lagana gacan siiyo dhinac walba oo horumarinta bulshada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.