Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Balanbal ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Balanbal.
Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Balanbal oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay Golayaasha Dowlada, Maamulka Gobalka, Maamulada Degmooyinka Galmudug, iyo Bulshada Degmada balanbal.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Balanbal, asagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.
Leave a Reply