Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Guricel ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Guricel.
Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Guriceel oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka, Dowlada Galmudug, Maamulka Gobalka, Maamulada Degmooyinka Galmudug, iyo Bulshada Degmada Guriceel.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Guriceel asagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.
Leave a Reply