
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta Jubbaland, gaar ahaan kan Axmed madoobe iyo gobolka Gedo.
Leave a Reply