Galmudug oo Qabatay Shir Lagu heshiisiinayo Beelaha Cayr iyo Mareexaan

waayeel

Waxaa maanta Deegaanka XirsiLugeey lagu soo gaban gabeeyay shirka Dib-U-heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee Mareexaan Iyo Cayr oo Maalmahaan Halkaas kasocday, Waxayna si rasmi ah ukala saxiixdeen 13 Qodob oo ay Beeluhu ku heshiiyeen, Halka Dowlada Galmudug Ay Damaanad Qaaday Hirgalinta Heshiisiiskaan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Fedraalka Iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug oo Heshiiska Goobjoog ka ahaa ayaa Odayaasha dhaqanka iyo dhamaan Bulshada Qaybaheeda Faray in loo hoggaansamo Heshiiskaan isagaa carrabka ku adkeeyay in cidii ku xadgudubta heshiiskaan lagu fulin-doono Sida go’aamada Heshiiskaan Ku qoran.

Odayaasha iyo dhamaan Kasoo qayb-galayaasha munaasabadaan ayaa Balan qaaday inay ka shaqayn-doonaan Hirgalinta Heshiiskaan Iyo in Bulshada wada dagtaa ay Nabad kuwada noolaato.

Munaasabada heshiiska lagu saxiixayay waxaa kale oo kasoo qaybgalay Hawl wadeennada wasaarada oo uu Agaasimaha Guud ugu Horeeyo, xildhibaano katirsan Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulada Degmooyinka Guriceel iyo Balanbale Iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.