
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in isbaarooyinka lagu dhibo musaafurka iyo guud ahaan bulshada Hirshabeelle ay u taalo qeybo kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in isbaarooyinka yaala deegaanada Hirshabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan Ciidanka Xoogga Dalka ee hoostaga Wasaarada Gaashaandhiga isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah Ciiidanka Xoogga dalka oo aan la wadaagnay Taliskooda iyo Madaxda dalka.
Leave a Reply