Madaxwayne Deni oo Safar Dalxiis ku Maqnaa ayaa Garoowe kusoo laabtay

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar dalxiis ugu maqnaa dalalka Ethiopia, Kenya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta Dalka dib-ugu-soo laabtay.

Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Puntland ee Garoowe General Maxamed Abshir, Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe , Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.