Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa sameeyay howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aadan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.
Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada,
Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.
Leave a Reply