Daawo:Dilal Qorshaynsan oo ku socda Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed

ciidan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin Cali iyo  Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa Salaadda janaasada kula tukaday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga AU/N Laba xidigle Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud.

Laba xidigle Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud oo ahaa ku-xigeenkii madaxa hogganka howlgalinta ciidnaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Allah ha unaxariistee Laba xidigle Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud ayaa tababaro kala duwan oo heerkiisu sareeyo ku soo qaatay dalka dibadiisa, waxuuna kamid ahaa sarakiisha fir-fircoon ee qeybta weyn ku lahaa howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo guud ahaan dalka.

Waxaa dilal qorshaysan horay loogu dilay saraakiishii ciidamada qaybaheeda kala duwan waxaana kamid ah Taliyaha Ciidamada Haramcad farxaan Qaroole, Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), Taliyahii Gutada 3-aad Qeybta 27-aad Ee CXDS Korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) iyo kuwa kale oo badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.