Ereyadii aas-salkoodu Af-Soomaali aha, ee Abkowgaada qowmiyadaha shisheeyaha ka ammaahdeen tira malaga, mana aha kuwa qoraalkan lagu soo koobi karo. Inkadtoo eraydaasi badankoodu dhawaaq iyo dhigaal doorismeen, hadana waxaa haboon marka ereyadaa qaarkood Soomaalidu aragto ama adeegsato aay si dhug iyo dhimirba leh u dhuuxdo, dhabna u baarto aasalkii eregga.
Waa la dhehee adna dheh, ha dhummee Afka yeelkii, halkaana kaga dhaqaaq oo Afkaadii garanwaa ayuu xaalka marayaa xilligan aanu joogo. Waxay dhaxalsiisey Soomaalida maanta, in inta aay xusaan ereyadii, luuqaad dhihiddiisa iyo qaabadkii dhigaalka uu shisheeyahii waa hore ammaahdey ku dhaatay sidoodii ugu dhawaaqaan, ku sheegaan erey shisheeye.
Hadana isla ereygii shaley lagaa ammaahdey, adiguse maankaada ka tirtirmey, kaalintiisa weli ka lusha balse Afqalaad kula ah, aad doondoonto, tiraahdana yaa garanaya ereygan mid u dhigmoo Af-Soomaali ah, waa ayaandarra aad u weyn.
F.G.: -Ereyada aay Soomaalida guudahaan moodo kuwa shisheeye, gaar ahaana “AF-CARABI”, balse u dhashey Af-Soomaaliga ee aan sida guud qoraalkeyga sare idinku teelmaaney, ayaan dhowr erey oo ka mid ah tusaale u soo qaadanayaa. Waana kuwan iyagoo xiriirsan hoosta ku xusan;-
Aas-Salka Erega Dhawaaqrogmey
* Dawled Dowlad
* Caaddalled Caddaalad
* Weyn-Seer Wasiir
* Waasareed Wasaarad
* Waakaalid Wakaalad
Si aad iila garataan hogatusaalentayda ereyada mid ka mid ah ayaan oraah siyaaba kalagedisan dhexroorinayaa. Aan soo qaato, Dawlad, bulshada meel ku dhaqan waxay u baahantay Dawlaaded, fasiraada eregga nuxurkiisu dawmarin ama fulin dantooda.
Sida duunyadaba ugu baahantahay, cid daajisa, aroorisa ama fulisa oo dawga saxa ah marisa. Duuduubis, haddaan hadalka duubo, “daw iyo lad ama laad”. Daw waa danta, halka la(a)d aay noqoneyso fulinta ama maareyn.
Dhr. Yuusuf Ducaale
Leave a Reply