
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.
Raโiisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.
Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.
Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.
Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.
Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS
Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:
- Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar โ Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Mudane, Axmed Jaamac Cumar โ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Raโiisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.


Leave a Reply