Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buundada nuur xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.
Leave a Reply