Sawiro:Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar

Xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

   

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.