Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.
Waxaana shirkan looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada lagu cirib tiraya maleeshiyaadka Khawaarijta, dhameystirka Arrimaha deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Leave a Reply