Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700, kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.
Leave a Reply