Jabuuti iyo Kenya oo ku heshiiyey dalkugal bilaash ah, halka somaaliya Visa Laga rabo

xasansheekh

Kenya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay meesha ka saaraan shuruudihii dal ku galka ee muwaadiniintooda si kor loogu qaado ganacsiga iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle oo dakiisa kusoo dhaweeyay, ayaa sidoo kale muujiyey ka go’naanshaha ah inay dhameystiraan heshiiska socdaalka shaqaalaha ee labada dal.

“Kenya waxay soo gabagabaysay habraacyo lagama maarmaanka u ah in muwaadiniinta Djibouti ay si bilaash ah ku tagaan Kenya,” Ruto ayaa sidaa yiri mar uu Geelle kula hadlayay magaalada Jabuuti.

Ruto ayaa sheegay in labada dal ay sidoo kale aqoonsan doonaan shahaadooyinka tacliimeed ee laga helo labada dal ee fursadaha shaqo. “Waxaan madaxweynaha ku wargeliyay in Kenya ay ardayda Jabuuti u fidinayso 300 oo boos oo ka mid ah jagooyinkeenna tacliinta sare iga oo laga qaadayo kaliya khidmadaha aradada Kenya laga qaado,” ayuu yiri.

Labada mas’uul ayaa goob joog ka ahaa heshiiska is-fahamka tamarta, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo fanka, iskaashiga dhanka adeegga dibadda, iyo dalxiiska.

Geelle iyo Ruto ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir ay yeelanayaan Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo dagaalka ka socda dalka Sudan kaas oo maanta ka socda dalka Jabuuti.

Dowlada kenya oo dhaqaalaha ugu badan ee Khaadka kasoo galo dalka Soomaaliya ayaanan sii tix galin gaar ah sida in shacabka Soomaaliya Visa la’aan ku yimaadaan Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.