
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda, taasi oo isku xirta Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo Isgoyska Folorensa, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay aanan helin wax dib-u-dhis ah.
Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.
Dib-u-dhiska lagu sameenaayo wadadaan Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga ku dhiso $1 oo uu dib u howlgaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasi oo lagu hormarinaayo Caasimadda.







Leave a Reply