Wasiir Muqtaar Roobow oo Ka hadlay Xujeydii Sida Xun loola Dhaqmay iyo Cidii Ka Masulka ah

muqtaar

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysaty,iyo adegyadii ay dowladda u qabatay xujeeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhinteen Afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay, sidoo kale waxa u sheegay in la’layahay saddex xaaji oo baadi goob loogu jiro, xujeydii howlaha caafimaad u baahnaa oo gaarayay 60-xaaji ayuu wasiirku sheegay in daaweyntooda ay Wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacudiga hadana ay caafimaad qabaan.

Wasiir Muqtaar Roobow ayaa sheegay inay jiraan qaladaad dhacay oo shirkado ay geesteen kuwaas oo lala Xisaabtami doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.