Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya oo war degdega Kasoo Saaray

Farmaajo

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray dab xalay ka kacay Magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa, si weyna u garab taaganahay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira. Waxaan Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degdeg ah u weydiinayaa ganacsatada ku hanti beeshay iyo shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caawinta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan ugu baaqayaa in ay si weyn ugu gurmadaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxyeellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.