Wasiirka Gaashaandhigga oo Sagootiyay ciidamo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab

wasiir

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khwaarijta,isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday,inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran,suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso,gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.