Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Ka hadlay Walwalka laga Qabo ku Biirista Bariga Afrika

daauud

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aways oo ayaa ka hadlay walwalka dad badan oo Soomaaliya ay Majuuiyeen ku biirista Wadamada Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aala dhowr ah oo intooda badan ku saabsanaa Urur Goboleedka IGAD oo xubin muhiim ah ay ka tahay soomaaliya iyo ururka iskaashiga Bariga Afrika,maxaysa ahmiyad u leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka?’

Wasiir Da’uud Aweys ayaa Sheegay in ku biirista Soomaaliya ee urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ay wax badan  ka faa’iidi doonto,oo ay kamid tahay Ururka oo dowlada badan ku midoobay hay’adahoodana mudda dheer ay shaqeynayeen ay Soomaaliya khibrad ka qaadan doonto sharciyadda, hannaanka ay u shaqeyaan iyo in Ganacsatada jooga wadamadaas inta badana muran lagaliyo joogista wadamadaa ay heli doonaan sifa sharciyadeed oo ay ugu shaqeeystaan dowladaha xunaha ka ah Ururka iskaashiga Bariga Afrika,ugu danbeyna ay u istagaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahayeen iyagoo kaashanay khibradaha ay ka faa’iideen wadamada ay joogaan.

Sidoo kale wasiirka oo ka jawaabay su’aallo dhowra ah oo ay kamid yihiin haddii Soomaaliya ku biirto ururka Bariga Afrika majiraa sharciyad dowladda kaga dagasan wada shaqeynta iyo dhanka isu socodka?ayaa tilmaamay in ururka oo uu leeyahay sharciyad lagula dhaqmo waddamada xunaha ka ah Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonto,balsa Soomaaliya ay wax badan ka faa’iidi doonto kamid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika.

1 Comment

  1. Wasiirka warfaafintu wasaaradiisa ma ka xoreeyey isbaaradii u tiilay réer galmudug mise weli Alcadaala iyo kooxkii caanka aheyd bay u afduuban tahay?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.