Ra’iisalwasaarayaashii hore ee Puntland oo ka horyimid Rabitaankii Madaxwayne Deni

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland ayaa kahor yimid rabitaanka madaxweynaha Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Cai Gaas ayaa sheegay in sababta ay Garawe   u tageen isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay tahay taageeridda shirka ismada dhaqanka ee looga hadlayay dagaalkii Garoowe iyo sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii dagaallamay.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay si looga baaqsado dagaal dambe in marka hore meesha laga saaro dastuur furista iyo wax ka bedelka , isla mrakaana ay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa in khilaafka taagan uu ka dhashay furista dastuurka, waxa uuna xusay in haddiiba wax laga badelayo dastuurka ay tahay in si wada jir ah oo ku saleysan wadatashi wax looga badelo.

Cumar Cabdirashiid ayaa cadeeyay in dastuurka Puntland u degsan aan loogu tala galin in hadba dowladdii timaada ay waxey doonto ka badesho iyadoon cid kala tashan, waxa uuna tilmaamay dhibka taagan uu sabab u yahay dastuur furista.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.