Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixinta xubno cusub oo dhawaan la Magacaabay

wasiir

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa  lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.