
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta magaalada Beledweyne ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.
Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa wafdigaan kala hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga Shabeelle ka geysto deegaannada Hirshabeelle, xaaladda barakacayaasha iyo sidii deegaannadii laga xoreeyay kooxda Khawaarijta Al-shabaab loo gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada.
Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WFP taageerada ay siiyaan shacabka ku nool deegaannada Hirshabeelle.




Leave a Reply