Xamse oo loogu baaqay inuu Camabaareeyo Somaliland

Xamsr

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mudane Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.

Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, ayaa Ra’iisalwasaare Xamse ugu baaqay inuu cambaareeyo duqaymaha iyo weerarka Somaliland ku hayso Shacabka Laascaanood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.