Madaxwayne Laftagareen oo Baydhabo ku Qaabilay Wafti kasocda UNFPA

laftagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo kuso Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda UNFPA Niyi ojoulape ee Wafdiga uu Hogaaminayey ayaa ka Wada Hadlay Hormarinta Adeegyada Caafimaadka, Barashada Farsamada Gacanta, Shaqa Abuurka Dhalinyarada iyo Xoojinta Wada Shaqaynta.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Dhalinyarada, Caafimaadka, Dekedaha, Haweenka iyo Biyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.