Mudanayaasha labada Aqal oo akhrinta koowaad marsiiyay ku noqoshada miisaaniyadda

barlamaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen.

Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee BJFS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.