Akhriso:Qasaarihii ka dhasha Weerarkii Kuliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho

qarax

Warrar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in 25 askari ay dhinteen kaddib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira.

Dhawr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaalo ku yaala Muqdisho.

Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuura sida il wareed ka tirsan Miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego u sheegeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay miltariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.