Akgriso:Barlamaanka Puntland oo Isbadal kusameeyey Dastuurka

puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland

Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku Ansixiyey wax-ka-bedelka Dastuurka.
1- Qodobka 7-aad Dhulka iyo Soohdimaha.
2- Qodobka 44-aad Doorashooyinka.
3- Qodobka 46-aad Xisbiyada Siyaasadda.
4- Qodobka 47-aad Shuruudaha furashada Xisbiyadda.
4- Qodobka 56-aad Hanaanka Dawladda.
5-Qodobka 62-aad sababa lagu lumin karo xubinada Golaha Wakiillada.
6- Qodobka 64-aad Awoodaha Golaha Wakiillada.
7-Qodobka 89-aad ee qaab dhismeedka Garsoorka.
8-Qodobka 90-aad Maxkamadda sare.
9-Qodobka 110-aad Guddiga Doorashooyinka.
10- Qodobka 113-aad Nidaamka Doorashada Guddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.