Wasiirka Amniga oo Furay Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya

doodisho

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) ayaa Muqdisho ka Furay Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada iyo oogista dacwadaha, isagoo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay aad usoo hagaagayaan wadashaqaynta ka dhexeysa laamahan.

Mudane, Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in shirkan looga doodayo dib u eegis lagu sameeyay xeerka ciqaabta guud iyo kor u qaadista cadaaladda, si uu ula jaan qaado is-beddelada ka dhacaya caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar muumin ayaa sheegay in ay tahay muhiim wax ka badalka xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed si uusan dambiiluhu ugu dhex faa’iideysan booliska, xeer ilaalinta iyo garsoorka dhexdooda.

“Booliska Iyo Xeer Ilaalinta Kiisas waaweyn oo meel wanaagsan ku dhammaaday ayey iska kaashadeen, haddana weli shaqada ayaa socota”.

Taliyaha ayaa sheegay in wax ka beddelka xeerka ciqaabta aad loogu baahan yahay maaddaama ay bulshadu badatay, wadciguna is-beddelay, taas oo sababtay in ay soo baxaan dhaqanno fool xun oo aynaan hiddo u lahayn, anshaxa iyo diintuna aan ku habboonayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.