Mucaaridka iyo Dowlada Kenya oo xal wada gaaray

kenya

Dowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeendibad baxyo rabshado wata.

War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda ayaa lagu sheegay in guddiga isku dhafka ah uu ka koobnaan doono toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan.

Waxay ka wada hadli doonaan dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Wuxuu diiday inuu aqbalo sharcinimada madaxweyne William Ruto, isagoo ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay la xaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.