Ra’iisalwasaare Xamse Dowlada dagaal Bay ku Jirtaa ee Reer Heliwaa xarumihiina dhista

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda # taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.

Ra’iisalwasaaraha oo laga codsadey inuu wax ka qabto dhismayaasha iyo Xarunta degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir ayaa sheegay inaysan dowlada waxba ka qaban karin baahiyaha ka jira Heliwaa madaama dagaal lagu jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.