Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023

barlamaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 4-aad ee Wadajirka ah ee labada aqal Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal, waxaana uu ajanduhu ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta Xeerka Qoondaha Ku-noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Xildhibaan Maxamed Farax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Labada Aqal ayaa xildhibaannadda warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana uu Xildhibannada Golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo maadaama uu guddigu qiimeyn ku sameeyay, sidoo kale Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sen. Ibrahim Aw gaab ayaa isna ka hadlay ahmiyadda missaaniyadda ay qaranka u leedahay, isagoona ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in ay ansixiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Xildhibaannada labada aqal u soo jeediyay in ay ansixiyaan Miisaaniyadda maadaama la soo mariyay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo sedexaadba, ayaa waxaa cod gacan taag ah ugu codeysay 169 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal waxaa diiday 1 mudane waxaana ka aamustay 2-Xildhibaan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in sidaasi ay ansax ku tahay Misaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.