
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu aaney qorshaha ugu jirin in ay xilka kororsadaan.
Madaxwayne Deni ayaa sheegay inuu u caddeynayo dadka reer Puntland in doorashadu ay ku dhacayso xilligeeda taas oo ah 8 Janaayo.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli mas’uuliyiinta mucaaradka Puntland ay dhowr mar oo hore ku eedeyeen Saciid Deni inuu doonayo muddo kororsi, sababta dastuurka loo furayna ay tahay arrintaa.
Leave a Reply