Maalmo ka hor waxaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu doortay Hoggaanka Maamulka SSC oo dhismihiisa lagu go’aamiyey shirkii aayo-ka-tashiga deegaannadaas ee degmada laascaanood kusoo idlaaday 6-dii bishii Labaad ee sannadkan 2023.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka Kula hadlay Hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). Bogaadin iyo mahadcelin kadib, waxay ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool.
Leave a Reply