Taliyihii Hore ee Boliiska Gobolka Banaadir ahna Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo Cadaado warbaahinta kula hadlay ayaa ka hadlay carruurtii dhawaan lagu laayey deegaanka Kaxandhaale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Xildhibaan Saadaq Joon ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay ka dhalatay carruurtii ay laayeen maleeshiyaad ka tirsan beeshiisha Saleebaan.
“Ilmihii lagu laayey meeshaan waa dhinteen, laakiin ilmihiina ayaa u ciqaaban maanta, dadka miyaga jira ilmahooda hadda waa la ilaaliyaan, si aan looga aarsan dhibaatadii aad geysateen,” ayuu yiri Saadaq Joon oo la hadlaayey dadka reer Cadaado.
Leave a Reply