
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo horay u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, ayaa u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Leave a Reply