Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu safar shaqo ku gaaray.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka ka ambo baxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa markii ay soo gaareen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimi maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda katirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne.
Ujeedka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ah sidii loo dajin lahaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaliland iyo dad diidan xukunkiisa.
Leave a Reply